Nuxurka aan habbooneyn

Faahfaahinada xeerka

DIIWAANKA BEDDEL
Ujeeddada Xeerka
Ma oggolaano nuxurka loo qorsheeyay in wax lagu khiyaameeyo, lagu marin habaabiyo, ama laga cabudhiyo isticmaalayaasha si qaab macmal ah loogu kordhiyo daawashada. Nuxurkani waxa uu jaahwareeriyaa awoodda dadka inay si run ah uga qaybqaataan madalyaasheena oo waxa uu khatar gelin karaa ammaanka, xasilloonida iyo isticmaalka adeegyadayada. Waxaan sidoo kale raadinaa inaan ka hortagno xeeladaha xadgudubka, sida faafinta linkiyada khiyaanada ah si loo soo jiito isticmaalayaasha aan shakiga lahayn iyada oo loo marayo shaqeyn marin habaabin ah ama baaq sireed, ama iska dhigis domain la aamini karo.
Nuxurka aan haboonayn ee onleenka waa suuq faa'ido leh. Xeerarkeena iyo ogaanshaheena waa inay si joogto ah u hormaraan si ay ula socdaan isbeddellada iyo xeeladaha nuxurka aan haboonayn ee soo baxaya. Tilaabo ka qaadista si loola dagaalamo nuxurka aan haboonayn, waxaan raadinaa inaan isku dheellitirno kor u qaadista kharashyada soo saarayaasheeda iyo qaybiyayaasheeda ee madalyaasheena, anagoo ilaalinayna firfircoonida, howlaha runta ah ee bulshadeena.
Ma oggolaano:
  • Boosti gareeynta, wadaagista, la falgelida nuxur ama samaynta koontooyin, Kooxo, Bogag, Dhacdooyin ama hanti kale, ha ahaato si gacanta laga sameynayo ama si toos ah, si aad isdaba joog u ah.
    • Waxaa laga yaabaa inaan saarno xaddidaado koontooyinka u dhaqmaya si isdaba joog hooseeya marka ay jiraan tilmaamayaasha kale ee Nuxurka aan haboonayn (tusaale, soo boosti garaynta nuxur ku celcelis ah) ama calaamadaha aan dhabta ahayn marka ay jiraan.
  • Isku dayida ama si guul leh u iibinta, iibsiga, ama isku beddelashada hantida madasha, sida koontooyinka, kooxaha, bogagga, iwm.
  • Isku dayida ama si guul leh u iibinta, iibsiga, ama wax ku beddelashada mudnaanta mareegta, sida doorarka maamulka ama dhexdhexaadiyaha, ama oggolaanshaha in lagu boosti gareeyo meelo gaar ah.
  • Isku dayida ama si guul leh u iibinta, iibsiga, ama ku beddelashada nuxurka wax qiimo lacageed leh, marka laga reebo Nuxurka Summadaysan ee sida cad loo aqoonsaday, sida lagu qeexay Xeerkeena Nuxurka Summadaysan .
  • Isku dayida ama si guul leh u iibinta, iibsiga, ama ku beddelashada la falgelid, sida ka helidyada, wadagisyada, daawashada, la socoshada, gujisyada, isticmaalka hashtagyada gaarka ah, iwm. Tani waxaa ku jira:
    • Bixinta alaab bilaash ah (taas oo ah, siinta dadka kale fursad ay ku guuleystaan) oo lacag caddaan ah ama wax lacag u dhiganta si loogu beddelo la falgelid. ( tusaale, 'Qof kasta oo ka hela boggayga waxa la gelin doonaa si uu ugu guuleysto $500')
    • Bixinta si loo keeno wax kasta oo qiimo lacageed leh iyadoo lagu beddelanaayo la falgelid. (tusaale ahaan, 'Haddii aad ka hesho boggayga, waxaan ku siin doonaa iPhone!')
  • Uga baahanaanshaha ama sheegashada in isticmaalayaasha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan nuxurka (tusaale, ka helida, wadaagidda) ka hor inta aanay awoodin inay eegaan ama la falgalaan nuxurka la ballanqaaday.
  • Wadaagista URL-yada khiyaanada ama marin-habaabinta leh, bogagga, ama ablikeyshinada oo ay ku jiraan:
    • Is-daboolkaIs-daboolka waa isku day kasta oo looga fogaanayo xeerarka nuxurkeena iyadoo si kas ah loogu soo bandhigaayo nuxur ka baxsan madasha, sida URL-yo ama ablikeyshino, nidaamyadeena daacadnimada marka loo eego waxa la tuso isticmaalayaasha.
    • Linkiyada marin habaabinta ah: Nuxur wata linki kaas oo ballanqaadaya hal nooc oo nuxur ah laakiin bixiya wax aad uga duwan. Tani waxaa ka mid ah nuxur ku jira app ama software wax balanqaadaya.
    • Dhaqan dib u jiheyn khiyaano ah: Mareegaha u baahan ficil (tusaale captcha-ka, daawo xayaysiis, halkan guji) si loo eego nuxurka bogga imaanaya ee la filayo iyo magaca goobta URL-ka oo isbeddelaya kadib marka la dhammeeyo ficilka loo baahan yahay, ama si toos ah ugu jiheeya isticmaalayaasha domain aad uga duwan iyada oo aan wax tallaabo oo isticmaale ah jirin..
    • Xayirida ka helida/wadaagida: Uga baahnaanshaha isticmaalayaasha inay ula falgalaan (qaab ka helid, wadaagyo, la socosho, ama nooc barnaamijyo kasta oo dadwaynaha ay geli karaan) si ay marin ugu helaan nuxur khaas ah, oo gaar ah.
    • Shaqeynta khiyaanada ah ee madal - Ku dayashada sifooyinka ama shaqaynta adeegyadayada, sida ku dayashada lacag uruurin, ra'yi uruurinada, badhamada daarista, ama badhanka Ka helidda halkaas oo shaqayntaasi aanay jirin ama aysan u shaqaynaynin sidii la filaayay, si looga dhigo isticmaale inuu la socdo linki.
    • Shaqeynta bogga hore ee khiyaanada wadata: Mareegaha leh xidhiidhka marin-habaabinta isticmaalaha, taas oo keenta in booqadayaal kadis ah ay abuurmaan (tusaale xayeysiiyada ka soo muuqda shaashad cusub, qarinta hyperlinks-ka, iwm.). Tani waxaa ka mid ah xeeladaha sida xayiraadda, halkaas oo soo-bandhigyada aan habboonayn ay soo muuqanayaan marka qofku isku dayo inuu ka baxo bogga hore.
    • Bogga booqashada ama iska dhigid domain-ka - Bog booqasho kasta ah oo ka baxsan madasha, URL-ka, ama mareeg ama domain dibadda ah oo iska dhigaya inuu yahay summad ama adeeg sumcad leh isagoo isticmaalayo magac, domain ama nuxur kaas oo soo bandhigo khaladaad, higaad khaldan ama hab kale si uu iskaga dhigo mareegaha caanka ah, domain-yada ama summadaha isaga oo isticmaalaya bog hore oo la mid ah mid kale oo la aamini karo.
    • Isticmaalka khiyaanada kale ee URL-yada ama linkiyada ee sida weyn ula midka ah kuwa sare.
  • Iyada oo aysan saamayn ku yeelanayn kuwa sare, ma mamnuucno:
    • Ku xayesiinta badeecooyin kala duwan dawadayaal isku mid ah kaas oo aysan kicin lacag-bixinta qolo saddexaad
    • U wareejinta mas'uuliyadaha maamulka ama dhexdhexaadinta bog ama koox isticmaale kale iyadoo ku salaysan danahooda bogga ama kooxda, halkii ay ka ahaan lahayd beddelasho qiimo.
    • Soo boosti garaynta ama wadaagista Nuxur Summadaysan oo si cad loo qeexay.
Adeegsiga isticmaalaha
Arag tusaalooyinka qaar ee ku saabsan sida dhaqangelinta ay ugu muuqato dadka Facebook-ga isticmaala, sida: qaabka ay kuugu muuqato in aad dacwo ka gudbiso wax aad u malaynayso inaysan ahayn inay ka sii mid ahaadaan Facebook-ga, in laguu sheego inaad ku xadgudubtay Xeerarka Bulshadeena iyo inaad aragto digniinta macluumaadka beenta ah oo dul saaranta nuxur gaar ah.
Xusuusin:Had iyo jeer waxaan sameynaa horumar, sidaa darteed waxa aad halkan ku aragto waxaa laga yaabaa in ay waxyar wixii hore ahaayeen marka la barbardhigo waxa aan hadda isticmaalno.
ADEEGSIGA ISTICMAALAHA
Dacweynta
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Ogeysiinta dacweeynta-boostiga
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Khibrada saarista nuxur ama koonto
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Digniinta macluumaadka beenta ah
Xogta
Eeg Warbixinta Dhaqangelinta Xeerarka Bulshada ee ugu dambeeyay
Dhaqangelinta
Waxaanu leennahay xeerar isku mid ah adduunka oo dhan, oo loogu talagalay qofkasta oo isticmaala Facebook-ga.
Kooxaha dib u eegista
Kooxdayada caalamiga ah oo ka badan 15,000 dib-u-eegayaal ah ayaa shaqeeya maalin kasta si ay dadka Facebook-ga isticmaala uga dhigaan kuwo ammaan ah.
Ka qeybgalka saamileyda
Khubarada dibadda, aqoonyahannada, Ururrada aan Faa'ido Doonka ahayn iyo xeer dejiyeyaasha ayaa gacan ka geysta wargelinta Xeerarka Bulshada ee Facebook-ga.
Caawimaad u hel nuxurka aan habooneyn
Baro waxa aad samayn karto haddii aad Facebook-ga ku aragto wax ka soo horjeeda Xeerarkeena Bulshada.
Booqo Xaruntayada Caawinta