Ka Faa'ideysiga Dadka

Faahfaahinada xeerka

DIIWAANKA BEDDEL
Ujeeddada Xeerka
Dadaalka aan ku doonayno in lagu carqaladeeyo loogana hortago waxyeellada, waxaan saarnaa waxyaabaha fududeeya ama isku dubarida ka faa'iidaysiga dadka, oo ay ku jiraan ka ganacsiga dadka. Waxa aanu ku qeexnaa ka ganacsiga dadka in uu yahay ganacsiga qofka laga qaadayo xorriyada macaash darteed. Waa ka faa'idaysiga aadanaha si loogu qasbo inay la falgalaan galmo ganacsi, shaqo, ama hawlo kale oo ka soo horjeedo rabitaankooda. Waxay ku tiirsan tahay khiyaano, xoog sheegasho, iyo jujuub, waxayna hoos u dhigtaa bani'aadamka iyadoo ka qaadaysa xorriyaddooda halka ay dhaqaale ahaan ama maadi ahaanba faa'ido u leedahay dadka kale.
Ka ganacsiga dadku way dhinacyo badantahay waana caalami; waxay saamayn kartaa qof kasta iyadoon loo eegayn da'da, asalka dhaqaalaha-bulshada, qoomiyada, jinsiga, ama goobta. Waxay qaadataa qaabab badan, xaalad kasta oo ka ganacsiga dadkana waxay ku lug yeelan kartaa heerar kala duwan oo horumarineed. Sababo la xidhiidha dabeecadda qasabka ah ee xadgudubkan, dhibanayaashu ma oggolaan karaan.
In kasta oo aan u baahannahay in aan ka taxaddarno in aan la isku darin ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta, waxay noqon karaan kuwo isku xiran oo muujinaya isku-dhafnaan. Qaramada Midoobay waxay ku qeexday tahriibinta dadka inay tahay soo iibinta ama fududaynta gelitaanka sharci darrada ah ee wadan iyadoo laga gudbaayo xuduudaha caalamiga ah. Iyadoo aan loo baahnayn qasab ama xoog, waxay wali keeni kartaa ka faa'iidaysiga shakhsiyaadka nugul ee isku dayaya inay ka tagaan waddankii ay asal ahaan ka soo jeedaan, inta badan iyagoo raadinaya nolol wanaagsan. Tahriibinta dadku waa dembi ka dhan ah wadan, ku tiirsanaanta dhaq-dhaqaaqa, iyo ka ganacsiga dadkuna waa dembi qof laga galay, iyadoo ku tiirsan ku xadgudub.
Marka laga soo tago nuxurka cambaareynaya, ama kor u qaadaya wacyi gelinta ku saabsan soo gudbinta wararka ee ku saabsan dadka ama arrimaha tahriibinta, waxaan oggolaanaa nuxurka weydiinaya ama wadaagaya macluumaadka ku saabsan badbaadada shakhsiyeed iyo ka gudubka xudduudaha, magangelyo doonka ama sida looga tago waddan.
Ha boosti gareeyn:
Nuxurka, howsha ama isdhexgallada dadka u shaqaaleysiiya, fududeeya ama ku xadgudba dadka iyada oo loo marayo mid ka mid ah noocyada soo socda ee ka ganacsiga dadka:
  • Ka ganacsiga galmada (howl galmo ganacsi kasta oo lala yeesho ilmo ama howl galmo ganacsi kasta oo lala yeesho qof weyn oo ay ku lug leedahay xoog, khiyaano, ama qasab)
  • Iibinta carruurta ama korsashada sharci darrada ah
  • Ka ganacsiga agoonta iyo dalxiiska agoontu uga qeyb-qaataan shaqo tabaruc ah
  • Guurka khasabka ah (oo ay ku jiraan guurka carruurta)
  • Ka faa'idaysiga shaqada (oo ay ku jirto shaqo joornaati yar)
  • Ku adoomeysiga dadka guryaha
  • Ka ganacsiga xubnaha aan la tallaali karin oo aanay ku jirin saarista xubinta, ku-deeqidda, ama ku-tallaalidda xaalad guud oo ku-deeqidda xubin aan lagu xadgudbeyn
  • Fal-dembiyeedka khasabka ah (tusaale tuugsiga qasabka ah, ku qasabka ka ganacsiga daroogada)
  • U qorista carruurta askar
Nuxurka kaas oo jilaa saddexaad uu shaqaalaysiiyo, fududeeyo ama ka faa'iido (xag dhaqaale ama si kale) howl galmo oo ganacsi
Nuxur bixiya si loo bixiyo ama loo fududeeyo tahriibinta dadka
Nuxur waydiiya adeegyada tahriibinta dadka
Waxaan oggolaaneynaa nuxurka uu si kale u daboolay xeerkan marka loo soo boosti gareeyo macne guud oo ah cambaareyn, waxbarasho, wacyigelin, ama soo gudbinta wararka.
Si waafaqsan xeerarkayaga Ka faa'ideysiga Aadanaha, dib u eegayaashayada iyo nidaamyadayada tooska ah ayaa sidoo kale laga yaabaa inay tixgeliyaan calaamado dhaqan kala duwan si ay uga caawiyaan in la ogaado oo tallaabo laga qaado koontooyinka xadgudubka samaynaya.
  • Waxaa laga yaabaa inaan u saarno koontooyinka si ku salaysan isdhexgalladooda ay la yeeshaan koontooyinka kale ee xadgudbaya, raadinada ama la falgalada nuxurka xadgudbaya, ama xubinnimada bulshada (tusaale. Kooxaha) aan u saarnay ku xadgudubka xeerarkeena.
Xeerarka Bulshada ee soo socda, waxaan u baahannahay macluumaad dheeraad ah iyo/ama macnaha guud si loo dhaqangeliyo:
Waxaa laga yaabaa in aan saarno nuxurka ka bixiya shaqo goobaha kuwaas oo u leh khatar sare ka faa'idaysiga shaqada marka ay xaqiijiyaan sharci fulinta, ururrada deegaanka ee aan dawliga ahayn, ama la-hawlgalayaasha kale ee lagu kalsoon yahay
Adeegsiga isticmaalaha
Arag tusaalooyinka qaar ee ku saabsan sida dhaqangelinta ay ugu muuqato dadka Facebook-ga isticmaala, sida: qaabka ay kuugu muuqato in aad dacwo ka gudbiso wax aad u malaynayso inaysan ahayn inay ka sii mid ahaadaan Facebook-ga, in laguu sheego inaad ku xadgudubtay Xeerarka Bulshadeena iyo inaad aragto digniinta macluumaadka beenta ah oo dul saaranta nuxur gaar ah.
Xusuusin:Had iyo jeer waxaan sameynaa horumar, sidaa darteed waxa aad halkan ku aragto waxaa laga yaabaa in ay waxyar wixii hore ahaayeen marka la barbardhigo waxa aan hadda isticmaalno.
ADEEGSIGA ISTICMAALAHA
Dacweynta
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Ogeysiinta dacweeynta-boostiga
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Khibrada saarista nuxur ama koonto
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Digniinta macluumaadka beenta ah
Dhaqangelinta
Waxaanu leennahay xeerar isku mid ah adduunka oo dhan, oo loogu talagalay qofkasta oo isticmaala Facebook-ga.
Kooxaha dib u eegista
Kooxdayada caalamiga ah oo ka badan 15,000 dib-u-eegayaal ah ayaa shaqeeya maalin kasta si ay dadka Facebook-ga isticmaala uga dhigaan kuwo ammaan ah.
Ka qeybgalka saamileyda
Khubarada dibadda, aqoonyahannada, Ururrada aan Faa'ido Doonka ahayn iyo xeer dejiyeyaasha ayaa gacan ka geysta wargelinta Xeerarka Bulshada ee Facebook-ga.
Caawimaad u hel ka faa'ideysiga dadka
Baro waxa aad samayn karto haddii aad Facebook-ga ku aragto wax ka soo horjeeda Xeerarkeena Bulshada.
Booqo Xaruntayada Caawinta