Been abuurka, Khiyaanooyinka, iyo Dhaqamada Khiyaanada ah

Faahfaahinada xeerka

DIIWAANKA BEDDEL
Ujeeddada Xeerka
Waxaan hiigsannaa inaan ka ilaalino isticmaalayaasha iyo ganacsiyada in lagu khiyaameeyo lacagtooda, hantidooda ama macluumaadka shakhsi ahaaneed. Waxaan tan ku gaarnaa annagoo saarayna nuxurka oo la dagaalamayna dabeecadaha sida ula kaca ah u isticmaala habab khiyaano - sida been abuur kas ah, macluumaad la xaday iyo sheegashooyinka la buunbuuniyay - mid uun khiyaano ama khiyaano lacag looga qaato isticmaalayaasha iyo ganacsiyada, ama si ay u xoojiyaan la falgalka. Tan waxaa ku jira nuxurka raadinaya in uu ka qeybqaato ama kor u qaado dhaqdhaqaaqyadaas iyada oo isticmaaleysa adeegyadeena. Waxaan u oggolaanaa dadka inay wacyigelin sameeyaan oo ay wax baraan dadka kale iyo sidoo kale inay cambaareeyaan hawlahan.
Ma oggolaano:
Nuxurka isku dayaya in uu khiyaameeyo ama xatooyo ku sameeyo isticmaalayaasha iyo/ama ganacsiyada isaga oo u maraya:
Deynta Xatooyada iyo Khiyaanooyinka
Nuxurka kaas oo:
  • Soo bandhiga deymaha uga baahan codsadaha in uu horay u bixiyo khidmad si uu deynta u helo.
  • Soo bandhiga deymaha leh damaanada ama ogolaanshaha damaanada u dhow, oo ama si cad loo sheegay ama si maldahan loo fahmay iyada oo lagu saleynayo fahamka (sida sheegashooyinka si loo ogolaado deynta iyada oo aan la weydiisaneyn wax macluumaad maaliyadeed ah).
  • Ogsoonow: Sidoo kale waxaan fiirinaa seenyaalayaasha kale si aan u go'aamino haddii hay'ad ay soo boosti gareyneyso nuxur sharci ah, oo aan xatooyo ahayn, sida marka la xaqiijiyay hay'ada iyo bangiga ama xarunta maaliyadeed.
Xatooyada Khamaarka iyo Khiyaanooyinka
Nuxurka kaas oo:
  • Soo bandhigga adeegyada ku khamaarka lacag caadi ah (''Lacag dhaba ah'' waa lacagta dhabta ah ee waraaqaha taas oo loo isticmaali karo in looga iibsado badeecado ama adeegyo dunida, oo ay ku jiraan lacagaha caalamiga ah sida Dollarka Maraykanka iyo lacagaha dhijitaalka ah sida Bitcoin):
    • ee lah damaanada guuleysiga.
    • maldihida ama qirida in la musuqmaasuqay natiijada ciyaar ama isku aad.
    • ka codsada dadka si ay awood ugu siiyaan horey u dajinta natiijada ciiyaarta ama raadinta caawin ama talo ku saabsan sida hore loogu go'aamiyo ciyaar ama ciyaar.
Ciyaaraha meelaha khamaarka bulshada ee dhiirigelisa khamaarka taas oo aan lahayn wax fursad ah oo loogu guuleysto lacag dhab ah waxay soo hoos galeysaa Xeerarkeena Bulshada ee ku aadan Badeecadaha iyo Adeegyada La Xaddiday.
Maalgelinta ama Xatooyada iyo Khiyaanooyinka Maaliyadeed
  • Fursadaha Maalgelinta. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya fursadaha maalgelinta taas oo wax ka soo noqoshada faa'iidada maalgelinta la damaanad qaaday ama ka maran wax halis ah.
    • Bixiya fursadaha maalgelinta halkaas oo faa'iidada maalgelinta ama magdhabida ay qeyb ahaan ama gebi ahaanba ku saleysantahay shaqaaleysiinta kuwa kale si ay qorshaha uga qeyb qaataan.
    • Bixisaa fursadaha maalgelinta halkaas fursadu ay tahay qaabka ''dhakhso taajir ku noqo'' iyo/ama sheegashooyinka in maalgelin yar loo beddeli karo cadad badan.
  • Lacag/Kaash Ah. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya in uu u beddelo xoogaa lacag ah lacag badan isaga oo u maraya xeelad rogrogid ama khiyaano oo ku lug leh xusidyo cadcad oo ah ''kaash rogrogid ama badin,'' ''lacag rogrogid ama badin,''ama eray la mid ah.
Lacag Lunsashada iyo Xatooyada iyo Khiyaamada
  • Lacag Lunsashada. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya ama weydiista lacag isdaba marinta (taas oo sababaysa in dhibanayaashu ay noqdaan ka qeybgalayaal aan la aqoonsan ee lacag isdaba marinta iyaga oo bixinaya lacag ama saami faa'iidooyin ah iyaga oo ku bedelanaya in ay kuwa kale u ogolaadaan in ay isticmaalaan koontooyinka bangigooda ama ay lacagta u wareejiyaan iyaga oo ka wakiil ah kuwa kale).
    • Bixiya ama weydiista lacag isdaba marinta isaga oo bixinaya shaqaaleysiinta si uu u aqbalo una wareejiyo lacag qolo saddexaad isaga oo isticmaalaya koontada bangiga ee dhibanaha.
  • Lacag Dhaqida. Nuxurka kaas oo:
    • Codsada, weydiista, ama bixiya si uu u fududeeyo lacag dhaqida, taas oo ah isku day lagaga dhigayo lacagta sida sharci darada ah loo helay in ay u muuqato mid sax ah iyada oo la qarinayo meesha ay lacagtu ka timid iyada oo loo marayo lacag bixino maaliyadeed oo isku xigxiga oo adag, oo ay ku jiraan mid ka mid ah kuwa soo socda:
      • Raadinta ku gudbinta lacagaha iyada oo loo marayo SWIFT (Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunications) ama noocyada la midka ah,
      • Raadinta ama bixinta faahfaahinaha noocyada koontooyinka bangiga ee la heli karo si loo taageero helista ama wareejinta kaashka.
Xatooyada iyo Khiyaamooyinka Aqoonsiga Aan Saxda ahayn
Nuxurka kaas oo:
  • Isku daya in uu khiyaameeyo ama xatooyo ku sameeyo isticmaalayaasha isaga oo si khaldan u matalaya aqoonsiga soo geliyaha ama nooca codsiga:
    • Xatooyada ama Khiyaamda Ururka Samafalka Ah, kaas oo ah codsiyo xatooyo ee lacageed ama sadaqo oo loogu talagalay ugu deeqid urur samafal oo ay la socoto sheegashooyin in sadaqadu ay tahay mid degdeg ah oo ay ku jirto macluumaad, sida koontooyinka bangiga, halkaas oo lacagta lagu diri karo.
    • Khiyaamooyinka iyo Xatooyada Jaceylka, kuwaas oo ah isku dayo xatooyo si loogu sameeyo xidhiidho jaceyl oo onleen ah iyada oo la raadinayo saaxiibtinimo aan galmo ku saabsanayn ama xidhiidh oo bixinaya ama weydiisanaya lacag ama wax lacag u dhigma beddelkeeda.
    • Xatooyada iyo Khiyaamooyinka Hay'ad/Ganacsi Jira, taas oo ku lug leh sheegashada beenta ah ee matalaada, ama ku hadla codka, hay'ad ama ganacsi jira, iyada oo la'isku dayayo in wax la khiyaameeyo ama la xado.
Xatooyada iyo Khiyaamooyinka Badeeco ama Abaalmarin
  • Xatooyada iya KhiyaanadaLlacagta Dowladdu ay ku Deeqdo. Nuxurka kaas oo:
    • Sida beenta ah u bixiya lacag ka socota dowladda ama qeybaha kale ee dowladda ee maalgelinta. Waxaan tixgelinaa seenyaalayaal gaar ah si aan u go'aamino haddii ay hay'ad ay u soo boosti gareyneyso si sax ah, nuxur aan xatooyo ku lug lahayn, sida marka ay ka timaado hay'ad la xaqiijiyay.
  • Xatooyo ama Khiyaamo La taaban karo, Ee Nafsiyadeed ama Illuminati. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya abaalmarino la taaban karo, sida lacag, badeeco, ama adeegyo leh qiimo lacageed oo ay ku jiraan lacago la taaban karo, dhijitaal ah iyo kuwa farsamada ah, iyo kuwa la taaban karo ama badeecadaha dhijitaalka ah iyo adeegyada xubinimada ama ku biidhista urur, urur cibaado, urur diimeed (tusaale, walaalaha illuminati).
    • Bixisa abaalmarino la taaban karo iyada oo isticmaalaysa sixir ama walxaha sixirka (tusaale, sixir, walxaha nasiibka keena, walxaha dhibka looga hortago, calaamda, qeybo, boorso sixir ah, iwm.).
  • Khiyaamooyinka iyo Xatooyada Ceymiska. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya ceymis been abuur ah, oo culus oo wata codsiyo oo horey bixintiisu bilaash tahay (khidmada maamulka, ama dhiteysiga, ama sida kale).
    • Bixiya ceymis culus oo been abuur ah oo leh balamaha keydadka waaweyn oo ceymiska marka loo barbardhigo bixiyayaasha ceymiska caadiga ah (ugu yaraan 30% in ka yar).
    • Ogow: Sidoo kale waxaan raadinaa seenyeelayaasha kale si aan u go'aamino haddii hay'ad ay u soo boosti gareyneyso si sax ah, nuxurka aan xatooyada ahayn, sida marka ay tahay hay'ad la xaqiijiyay ama bangi ama xarun maaliyadeed
  • Khiyaamooyinka iyo Xatooyada Shaqada. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya shaqooyin leh sharraxaado shaqo oo aan cadeyn iyo fursadaha dhakhso ku taajirida kuwaas oo balan qaadaya lacag lagu helo dadaal ama maalgelin aad u yar.
    • Bixiya shaqooyin aysan ku jirin macluumaad shaqo, si fudud u tixraacaya boosaska shaqada ee bannaan.
    • Bixiya fursadaha guriga looga shaqeynayo laakiin cinwaanka shaqada waxa uu maldahayaa in shaqaaluhu uusan ka shaqeyn karin Guriga.
    • Bixiya shaqooyinka leh balamaha hore ee mushaar bixinta.
    • Bixiya shaqooyinka la damaanad qaaday.
    • Bixisaa shaqooyinka leh dalabka khidmad hore ka hor inta aan shaqada la bixin.
    • Ogow: Sidoo kale waxaan raadinaa seenyaalayaasha kale si aan u go'aamino haddii ay dowlad ay u soo boosti gareyneyso si sax ah, nuxurka aan xatooyada lahayn, sida marka la xaqiijiyay hay'ad
  • Deyn dhaafista iyo Dayactirka Sumacad Xatooyada iyo Khiyaamda. Nuxurka kaas oo:
    • Ballanqaada in uu tirtirayo ama meesha ka saaro ama yareeyo deynta qadar gooni ah muddo kooban oo wakhti ah.
    • Balan qaada in uu joojiyo ama tirtiro dhammaan uruurinada deynta ama dacwadaha.
    • Balan qaada in uu cafiyo ama baajiyo deynta isaga oo u maraya ''barnaamij dowlad oo cusub'' ama beddelo sharciga ama bayaan la mid ah.
    • Balan qaada in uu tirtiro ama ka saaro macluumaadka dhibcaha sumcada warbixinada deynta ama uu sameeyo ''aqoonsi sumcad'' oo cusub.
    • Ogow: Sidoo kale waxaan fiirinaa seenyaalayaasha kale si aan u go'aamino in hay'ad ay si sax ah wax u soo boosti gareyneyso, nuxurka aan xatooyada ahayn, sida marka ay tahay hay'ad la xaqiijiyay iyo bangi ama xarun maaliyadeed
  • Hadiyadaha Xatooyada iyo Khiyaamada. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya abaalmarin la damaanad qaaday oo ah lacag dhab ah iyada oo lagu bedelanayo isticmaalayaasha u baahan inay:
      • Iska diiwaangeliyaan linki ka baxsan mareegta.
      • Wadaagaan Macluumaad Shakhsiyadeed oo La aqoonsan karo (PII) ama macluumaadka kale ee Shakhsiyadeed.
      • La xidhiidhaan wax ka baxsan madasha ama guaha madasha iyagoo u maraya farriinta gaarka ah.
      • Wax tallaabo ah ha qaadin.
  • Xatooyada iyo Khiyaamada Khidmada Hore. Nuxurka kaas oo:
    • Si been abuur ah u ballan qaada lacag iyada oo lagu beddelanayo lacagta khidmada horey loo bixiyo/lacagta qof kale loo diro/lacag bixinta.
Xatooyada iyo Khiyaamooyinka Dhukumintiyada Been abuurka ah
  • Dhukumintiyada Beenta ah ama been abuurka ah. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya weydiisashada, sameynta, iibka, iibinta ama ka ganacsiga dhukumintiyada been abuurka ah ama la sameeyay.
    • Bixiya iibka dal ku galada ama green cards-ka.
    • Damaanad qaadaya oggolaanshaha dal ku galka ama green card-ka.
    • Awood u siiya isticmaalayaasha in ay helaan oggolaanshaha dal ku galka iyaga oo aan buuxin shuruudaha caadiga ah.
  • Lacagta Beenta ah ama Been Abuurka ah. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya iibinta, iibsashada ama ka ganacsiga lacagta been abuurka ah, marka laga reebo lacagta ciyaarta looxa (tusaale., Lacagta khiyaaliga ah) haddii uu jiro fahan cad oo ah in uu yahay ujeeddooyinka ciyaarta looxa.
  • Foojarada Been Abuurka ah. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya wadaagista, iibinta, iibsashada ama ka ganacsiga foojarada been abuurka ah.
    • Aqbala, xayeysiiya, ama weydiista isticmaalka foojarka dhijitaalka ama jireed ama foojarada si loo gaaro qiime caadiya midkood:
      • Isticmaalka kuubanada ama foojarada si loogu iibsado alaabo foojaradaas ama foojaro aan loogu talagalin; ama
      • isticmaalida kuubano ama foojaro dhacay.
  • Shahaadooyinka waxbarasho ama xirfadeed ee been abuurka ah. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya iibka, iibsashada ama ka ganacsiga shahaadooyinka waxbarasho ama xirfadeed ee been abuurka ah.
Macluumaadka la xaday, Xatooyada iyo Khiyaanada Badeecadaha ama Adeegyada
  • Xatooyada iyo Khiyaanda Kaararka. Nuxurka kaas oo:
    • Ku lug leh iibsashada, iibinta ama ka ganacsiga kaararka deynta ee la xaday ama qalabyada kale ee maaliyadeed kuwaas oo loo isticmaali karo iibabka aan la ogoleyn (oo sidoo kale loo yaqaan ''kaararka'').
  • Xatooyada iyo Khiyaanada Macluumaadka Qof Lagu Aqoonsan Karo. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya iibsashada, iibinta ama ka ganacsiga Macluumaadka Qof Lagu Aqoonsan Karo (PII) ama macluumaadka shakhsiyadeed ee kale marka laga reebo haddii uu leeyahay jile been ah.
  • Xatooyada iyo Khiyaamada Dib u eegista Beenta ah. Nuxurka kaas oo:
    • Ku baaqa iibsashada, iibinta ama ka ganacsiga qiimeynada/dib u eegisyada badeecada.
    • Si maladahan ama si cad ugu dhiirigeliya isticmaalayaasha in ay qiimeyno bixiyaan iyaga oo ku badalanayo qiimo dhimisyo, lacag celin ama alaabo bilaash ah.
  • Xatooyada iyo Khiyaamada Rukumashada. Nuxurka kaas oo:
    • Bixiya iibsashada, iibinta ama ka ganacsiga macluumaadka gelida ee adeegyada rukumashada (macluumaadka gelida ee adeegyada onleenka ah kuwaas oo u baahan lacag bixin soo noqnoqota oo ay u dhaxeyso muddo isku mid ah) iyada oo tixraac u sameyneysa adeeg onleen ah oo lacag la siiyay, ama iyada oo magaceeda sheegeysa ama calaamadeeda wadaageysa.
    • Ogsoonow: Sidoo kale waxaan fiirinaa seenyaalayaasha kale si aan u go'aamino haddii hay'ad ay soo boosti gareyneyso nuxur sharci ah, oo aan xatooyo ahayn, sida marka la xaqiijiyay hay'ada iyo bangiga ama xarunta maaliyadeed.
  • Xatooyada iyo Khiyaanada Qishka. Nuxurka kaas oo:
    • Ku lug leh wadaagida, iibinta, ka ganacsiga, ama iibsashada:
      • warqadaha imtixaanka mustaqbalka ama warqadaha jawaabaha.
      • Badeecadaha ama adeegyada fududeeya qishka imtixaanaadka.
      • Badeecadaha ama adeegyada fududeeya ugu gudbida tijaabada mukhaadaraadka hab aan la oggoleyn
Xatooyada iyo Khiyaanada Isticmaalka Aan la Oggoleyn ee Aaladaha
  • Xatooyada iyo Khiyaanada Xakameynta Aalada . Nuxurka kaas oo
    • Ugu baaqa iibsashada, iibinta, ka ganacsiga ama wadaagida wixii ah aalado cabbir been abuur ah, wax laga beddelay ama la xakameeyay ah.
    • Qira, xayeysiiya ama weydiista isticmaalka xakameynta jireed ee aaladaha si loo gaaro qiimo aan sax ahayn.
  • Xatooyada iyo Khiyaamada Nuxurka Dhijitaalka Ah. Nuxurka kaas oo
    • Bixiya ama weydiista badeecadaha fududeeya ama dhiirigeliya marin u helka nuxurka dhijitaalka ah hab aan la ogoleyn. Kuwan waxa ku jira laakiin kuma koobna: sanduukhyada sare ee la kordhiyay, sanduukhyada si buuxda loo raray/KODI ee rakiban iyo adeegyada KODI.
Dhaqamada khiyaanada leh iyo Marin Habaabinta
  • Dhaqamada Caafimaad ee Marin Habaabinta leh. Nuxurka kaas oo
    • Xayeysiiya sheegashooyinka caafimaad ee been abuurka ah ama marin habaabinta leh ama damaanad qaada macnaha miisaan dhimista isaga oo shaqo gelinaya xeeladaha gujinta, sida isticmaalka luuqaad dareen leh ee sameysa sheegashooyin la buunbuuniyay ama xad dhaaf ah
Nuxurka soo socdo, waxaan xaddidnaa awoodda ay ku daawadaan nuxurka dadka waaweyn, ee jira 18 iyo ka weyn:
Nuxurka kaas oo
  • Ballan qaada natiijooyinka miisaan dhimista ee gaarka ah ee muddo cayiman iyada oo aan lahayn wax luuqad afeef u qalanta.
Iyada oo ay tan karo jirto, ma mamnuucno nuxurka cambaareeya, wacyi gelin sameeya ama kuwa kale bara wax ku saabsan xatooyada iyo khiyaamada, iyada oo aan la sheegin macluumaad xasaasi ah ama kor u qaadin xatooyo ama khiyaamo
Xeerarka Bulshada ee soo socda, waxaan u baahannahay macluumaad dheeraad ah iyo/ama macnaha guud si loo dhaqangeliyo:
  • Waxaa laga yaabaa in aan saarno nuxurka:
    • Ku lug leh xatooyada/khiyaamada ay soo gudbiyeen hay'ad lagu kalsoonyahay.
    • La xidhiidha musuq maasuqa ama lacag dhunsashada.
    • Kaas oo bixiya tallaalo isku day ay isugu dayayaan in ay khiyaamaan ama xadaan isticmaalayaasha.
    • Kaas oo isku daya in uu sameeyo abuurista aqoonsi been ah, iska dhigista qof caan ah, ama isticmaalka sawirka qof caan ah si aan sharci ahayn iyadoo loogu talagalay in lagu khiyaaneeyo ama lagu qaldo dadka kale.
    • Kaas oo bixiya ama weydiista badeecadaha ama adeegyada loogu talagalay in ay fududeeyaan daawasho qarsoodi ah ama duubida shakhsiyaadka, tusaale., kaamiradaha qarsoodi wax ud uuba, raad-raacayaasha taleefooanda (oo ay ku jiraan kuwaas ogolaada raadraacida lamabarada taleefoonka ee aan la garaneyn), ama qalabyada kale ee wax dabagala ee qarsoon.
    • Kaas oo dadka siiya fursado qorista dacwoodaha si ay uga qaybqaataan dacwooyinka la'isu metelo iyagoo iska dhigaya hay'ad dawladeed ama warbaahin, iyagoo isticmaalaya luuqad dareen leh, ama isticmaalaya sheegashooyinka la buunbuuniyay.
    • Kaas oo bixiya adeegyada rukumashada ee ku dhalisa isticmaalayaasha in ay geliyaan Macluumaadkooda Gaar ahaaneed.
    • Uma oggolaano hay'adaha in ay ka qeyb-qaataan ama ay sheegtaan in ay ku lug leeyihiin dhaqan Xatooyo ama Khiyaamo, oo ay ku jiraan isticmaalka koontooyin badan oo Facebook ama Instagram ah oo si wada jir ah u sii wada dhaqamada xatooyada ah.
Xaaladaha qaarkood, waxaan oggolaanaa nuxurka laga yaabo haddii si kale loo dhigo in uu ku xadgudbo Xeerarka Bulshada marka la go'aamiyo in nuxurku uu yahay jeesjees. Nuxurka waxaa kaliya ee la oggolaan doonaa haddii walxaha ku xad-gudubka ee nuxurka ku jira la buunbuuniyay ama loo nisbaynayo shay ama qof kale si loogu canjilo ama loo dhaleeceeyo iyaga.
Adeegsiga isticmaalaha
Arag tusaalooyinka qaar ee ku saabsan sida dhaqangelinta ay ugu muuqato dadka Facebook-ga isticmaala, sida: qaabka ay kuugu muuqato in aad dacwo ka gudbiso wax aad u malaynayso inaysan ahayn inay ka sii mid ahaadaan Facebook-ga, in laguu sheego inaad ku xadgudubtay Xeerarka Bulshadeena iyo inaad aragto digniinta macluumaadka beenta ah oo dul saaranta nuxur gaar ah.
Xusuusin:Had iyo jeer waxaan sameynaa horumar, sidaa darteed waxa aad halkan ku aragto waxaa laga yaabaa in ay waxyar wixii hore ahaayeen marka la barbardhigo waxa aan hadda isticmaalno.
ADEEGSIGA ISTICMAALAHA
Dacweynta
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Ogeysiinta dacweeynta-boostiga
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Khibrada saarista nuxur ama koonto
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Digniinta macluumaadka beenta ah
Dhaqangelinta
Waxaanu leennahay xeerar isku mid ah adduunka oo dhan, oo loogu talagalay qofkasta oo isticmaala Facebook-ga.
Kooxaha dib u eegista
Kooxdayada caalamiga ah oo ka badan 15,000 dib-u-eegayaal ah ayaa shaqeeya maalin kasta si ay dadka Facebook-ga isticmaala uga dhigaan kuwo ammaan ah.
Ka qeybgalka saamileyda
Khubarada dibadda, aqoonyahannada, Ururrada aan Faa'ido Doonka ahayn iyo xeer dejiyeyaasha ayaa gacan ka geysta wargelinta Xeerarka Bulshada ee Facebook-ga.
Hel caawimaad ku aadan iska ilaalinta khayaanada, xatooyada iyo dhaqamada marin habaabinta
Baro waxa aad samayn karto haddii aad Facebook-ga ku aragto wax ka soo horjeeda Xeerarkeena Bulshada.
Booqo Xaruntayada Caawinta