Galmo uga faa'ideysiga carruurta
Dhaqdhaqaaqa, nuxurka, ama la falgalyada hanjaba, muujiya, amaana, taageera, bixiya tilmaamo, sameeya bayaanno ujeedo leh, qirta ka qaybgalka, ama wadaagisyada xidhiidhada galmo uga faa'ideysiga carruurta ( (oo ay ku jiraan ilmo dhab ah, socod barad ah, ama dhallaanka, ama sawiro aan dhab ahayn oo u eg bini'aadamka, sida farshaxanka, nuxurka ay AI-soo saartay, jilayaasha khayaaliga ah, boombalaha, iwm). Tani waxaa ku jira laakiin aan ku xadidnayn:
Galmo
Galmo cad ama galmada afka ah, oo lagu qeexo inay tahay afka ama xubinta taranka oo galaysa ama taabanaysa xubinta taranka ama dabada ee qof kale, marka ugu yaraan hal qof xubintiisa taranka ama dabadiisa ay muuqato.
Galmo aan toos ahayn ama galmada afka ah, oo ay ku jirto marka taabashada ay dhowdahay in la sameeyo ama aan si toos ah loo arkin.
Kicinta xubnaha taranka ama dabada, oo ay ku jiraan marka hawluhu ay soo dhow yihiin ama aan si toos ah loo arkin.
Mid kasta oo ka mid ah kuwa kore ee ku lug leh xayawaan.
Carruurta haysata walxaha galmada, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn:
Xakamaynada
Calaamadaha kacsiga
Diirad saarka xubnaha taranka ama dabada
Joogitaanka qof qaan gaar ah oo dareenkiisa kacsanyahay
Joogitaanka alaabta galmada ama isticmaalka shay kasta si loogu kiciyo galmada, lagu qanciyo raaxo ama ku xadgudub galmo
Dhar galmonimo
Is-qaawinta.
Jawi diyaarsan (tusaale, sariirta dusheeda) ama sawir qaadis xirfadaysan (tayada/diirad saarida/ xaglaha)
Dhunkashada afka oo bareer ah
Kicinta ibaha naasaha aadanaha ama tuujinta naaska dheddiga (MARKA LAGA REEBO macnaha guud ee naasnuujinta)
Jiritaanka waxyaabaha ka dhasha dhaqdhaqaaqa galmada.
Nuxurka ku lugta leh carruur ku jirta macnaha guud ee u galmoodka shey gaar ah.
Nuxur taageera, kor u qaada, u dooda ama dhiirigeliya ka qayb qaadashada dareen u qaadida u galmoodka carruurta yaryar illaa mooyee looga hadlo si dhexdhexaad ah xaalad caafimaad.
Nuxur tilmaamaya ama ku jeesjeesaya dhibanayaasha lagu eedeeyay ka faa'ideysiga galmada ee caruurta si magac ahaan ama sawir ahaan ah
Codsasho
Nuxur codsanaya nuxur galmo ama howl muujinaysa ama ku lug leh carruurta, oo lagu qeexay sida:
Agabka Xadgudubka Galmada ee Ilmaha (CSAM)
Sawirrada qaawan ee carruurta dhabta ah ama kuwa aan dhabta ahayn
Muuqaallo galmonimo oo laga qaaday carruur dhab ah ama kuwo aan dhab ahayn
Isdhexgallada aan habboonayn ee carruurta
Nuxur ka kooban ama fududeeya Isdhexgallada aan habboonayn ee carruurta, sida:
Codsashada, diyaarinta ama qorsheynta la kulmayaasha galmada ee carruurta
Ku dhiirigelinta carruurta inay ku lug yeeshaan howl galmo iyagoo u marayo wada sheekeysi galmo ah ama bixinta, soo bandhigida, helida ama ka codsashada ama u codsashada agabyada galmada carruurta, iyada oo loo marayo soo bandhigid ula kac ah ama farriimaha gaarka ah
La falgalida wada-sheekaysiga galmoodka ee aan tooska ahayn ee fariimaha gaarka ah lagula yeesho carruurta
Ka helidda ama kaga codsashada farriimaha gaarka ah carruurta agabyada galmada
Sawirro qarsoodi ah oo la'iskaga faa'idaysto iyo rakaateynta galmada
Nuxurka isku daya inuu ka faa'iidaysto carruur dhab ah isagoo:
Sandulleysanaya lacag, axsaan ama sawirrada cowrada oo ay la socoto hanjabaado ah shaacinta sawirrada dhabta ah ama aan dhab ahayn ee macluumaad cowro ah
Wadaagista, u hanjabaadda, ama sheegida ulajeedka ah in la wadaago wada sheekaysiga galmoodka gaarka ah ama sawirrada cowrada dhabta ah ama aan dhabta ahayn.
U galmoodka carruurta
Nuxurka (oo ay ku jiraan sawirrada, muuqaallada, fanka aduunka ee dhabta ah, nuxurka dhijitaalka ah, iyo muujinada afka) ee u galmooda carruurta dhabta ah ama kuwa aan dhabta ahayn.
Kooxaha, Bogagga, iyo bogagga aqoonsiga ee loo sameeyay u galmoodka carruurta dhabta ah ama kuwa aan dhabta ahayn
Qaawanaanta ilmaha
Nuxur muujinaya qaawanaanta ilmaha dhabta ah ama kuwa aan dhabta ahayn halka qaawanaanta lagu qeexay sida:
Muuqaal ama saiwr uga qaadida si dhow xubnaha taranka ee caruurta dhabta ah ama kuwa aan dhabta ahayn
Dhallaanka dhabta ah ama aan dhabta ahayn ee qaawan, oo muujinaya:
Xubinta taranka oo muuqata, xitaa marka lagu daboolo ama lagu qariyo dhar khafiifa
Futada oo muuqata iyo/ama baryaha oo si buuxda u qaawan oo la soo dhaweeyay
Caruurta dhabta ah ama aan dhabta ahayn ee qaawan, oo muujinaya:
Xubinta taranka oo muuqata (oo ay ku jirto xubinta taranka oo ay qarinayso keliya timaha guumeerka ama dhar khafiifa)
Futada oo muuqata iyo/ama baryaha oo si buuxda u qaawan oo la soo dhaweeyay
Ibaha naasaha dheddigga ee aan daboolnayn
Qaawanaanta laga soo billaabo qoorta illaa jilibka - xitaa haddii aysan muuqan xubinta taranka ama ibaha naasaha dheddigga
Illaa sawirka aan dhabta ahayn uu yahay mid laga leeyahay ujeeddo caafimaad ama uu yahay u muujinta waxyaabaha aan galmada ahayn ee qaawanaanta ilmaha ee farshaxanka dhabta ah
Si xun u isticmaalka carruurta qaab aan galmo aheyn
Muuqaallada ama sawirrada muujinaya xadgudubka dhabta ah ama aan dhabta ahayn ee si xun u isticmaalida carruurta ee aan galmada aheyn iyada oo aan loo eegin ujeeddada wadaagida, illaa sawirku aanu ka socon farshaxanka dunida dhabta ah, kartoonnada, filimada ama ciyaaraha muuqaalka
Nuxur ammaanaya, taageeraya, kor u qaadaya, u doodaya, bixinaya tilmaamo ama dhiirigelinaya ka qaybgalka si xun u isticmaalka carruurta ee aan u galmoodka aheyn