Xoogsheegashada iyo Dhibaateynta

Faahfaahinada xeerka

DIIWAANKA BEDDEL
Ujeeddada Xeerka
Xoogsheegashada iyo dhibaateynta ayaa ka dhacda meelo badan waxayna ku timaadaa qaabab badan oo kala duwan laga bilaabo samaynta hanjabaado iyo sii daynta macluumaadka shakhsi ahaaneed ee la aqoonsan karo dirida farriimo hanjabaado ah iyo samaynta xidhiidh xaasidnimo oo aan loo baahnayn. Uma dulqaadanayno dhaqanka noocaan ah sababtoo ah waxay ka hor istaagtaa dadka inay ku dareemaan ammaan iyo ixtiraam Facebook-ga, Instagram-ka, iyo Threads-ka.
Waxaan u kala saarnaa dadka kuwa bulshada ka dhex muuqda iyo shakhsiyaadka gaarka ah sababtoo ah waxaan rabnaa inaan oggolaano doodaha, taas oo inta badan ku jirta faallooyinka naqdinta ee dadka kuwaas oo lagu soo bandhigay wararka ama kuwa leh dhagaystayaal dadwayne oo badan. Wixii ah dadka caanka ah, waxaan saarnaa weerarrada daran iyo sidoo kale weerarrada qaarkood halkaasoo dadka bulshada ka dhax muuqdo si toos ah loogu summado boostiga ama faallada. Waxaan u qeexnaa dadka kuwa bulshada ka dhex muuqda inay yihiin mas'uuliyiin heer dowladeed iyo heer qaran ah, musharaxiinta siyaasadeed ee xafiisyadaas, dadka haysta in ka badan hal milyan oo taageerayaal ah ama la socdayaal baraha bulshada iyo dadka hela soo gudbinta warar lagu kalsoonaan karo.
Wixii ah shakhsiyaadka aan caanka ahayn, ilaalintayadu way ka sii dheertahay: Waxaan saarnaa nuxurka loola jeedo inuu hoos u dhac ku sameeyo ama ceeb yahay, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, sheegashooyinka ku saabsan howl galmo. Waxaan aqoonsannahay in xoog-sheegashada iyo dhibaatayntu ay saamayn shucuureed oo badan ku yeelan karaan carruurta, waana sababta ay xeerarkeenu u siiyaan ilaalin sare qof kasta oo ka yar da'da 18, iyadoon loo eegin heerka isticmaalaha.
Macnaha guud iyo ujeeddadu waa muhiim, waxaana u oggolnahay dadka inay soo boosti gareeyaan oo ay wadaagaan haddii ay caddaato in wax la wadaagay si loo cambaareeyo ama loogu soo jeediyo dareenka xoog-sheegashada iyo dhibaataynta. Xaaladaha qaarkood, waxaan u baahannahay dacwo shakhsi ahaaneed sababtoo ah waxay naga caawineysaa inaan fahanno in qofka la beegsaday uu dareemayo xoog-sheegasho ama dhibaateyn. Marka laga soo tago dacwo gudbinta hab-dhaqanka iyo nuxurka noocaas ah, waxaanu ku dhiirigelinaa dadka inay isticmaalaan qalabyada laga heli karo madalyaasheena si ay uga caawiyaan ka hortagga iyada.
Waxaan sidoo kale leenahay Xarunta Ka Hortagga Xoog-sheegashada, oo ah agab loogu talagalay dhalinta, waalidiinta, iyo barayaasha u raadinaya taageero arrimaha la xidhiidha xoog-sheegashada iyo khilaafyada kale. Waxay bixisaa hagitaan tallaabo-tallaabo ah, oo ay ku jiraan macluumaad ah sida loo billaabo wada-sheekeysiyada muhiimka ah ee ku saabsan xoog-sheegashada. Wax badan ka baro waxa aanu samaynayno si aan dadka uga difaacno xoog-sheegashada iyo dhibaataynta halkan.
Fiiro gaar ah: Xeerkani ma khuseeyo shakhsiyaadka ka tirsan ururrada la magacaabay ee hoos yimaada Xeerka Ururrada iyo Shakhsiyaadka Khatarta ah ama shakhsiyaadka dhintay ka hor 1900.
Heerka 1-aad: Ilaalinada guud ee loogu talagalay qof walba:
  • Qof kasta waxaa laga ilaaliyaa:
    • Xidhiidhka aan la rabin kaas oo ah:
      • Mid soo noqnoqda, AMA
      • Dhibaateyn galmo leh, AMA
      • Loo jiheeyay tiro badan oo shakhsiyaad ah iyadoon codsi hore jirin.
    • Baaqyada inuu is-dhaawaco ama is-dilo qof gaar ah, ama shakhsiyaad koox ah.
    • Weeraradda ku saabsan waaya aragnimadooda weerar galmo, ka faa'iidaysiga galmada, dhibaataynta galmada, ama xadgudubka guriga.
    • Bayaanno leh ujeeddo in lagu sameeyo howl galmo ama u doodista in la sameeyo howl galmo.
    • Si xun uga faalloodka galmo.
    • Sawir ku hagaajinta ama sawirida galmo sharaf dhac ah
    • Weerarida sharaf dhaca ah ee la xidhiidha dhaqdhaqaaqa galmada (tusaale: dhillo, shaqbo).
    • Sheegashooyinka in musiibo argagax leh aysan dhicin.
    • Sheegashooyinka ah in shakhsiyaadka ay ka been sheegayaan in ay yihiin dhibane ay ku dhacday musiibo argagax leh ama weerar argagixiso, oo ay ku jiraan sheegashooyinka in ay yihiin:
      • Matalida ama Iska dhigidda inaad tahay dhibane dhacdo gaar ah, ama
      • In lacag laguu siiyay ama laguu shaqaaleysiiyay si aad dadka uga marin habaabiso doorkooda dhacdada.
  • Hanjabaadaha inaad shaacinayso lambarka taleefoonka gaarka ah, cinwaanka deegaanka, cinwaanka iimaylka ama diiwaanada caafimaadka ee shakhsi (sida lagu qeexay Xeerka Ku xadgudubka Asturnaanta).
  • Wicitaannada, ama bayaannada leh ujeeddo in laga qaybgalo, xoogsheegashada iyo/ama dhibaataynta.
  • Nuxurka hoos u dhigaya ama muujinaya karaahiyo loola jeedo shakhsiyaadka lagu sawiray habka, ama isla markiiba ka dib, caadada, kaadida, mataga, ama saxarada
  • Qof kasta waa laga ilaaliyay kuwan soo socda, laakiin dadka caanka, waa inay si ula kac ah u wajahaan:
    • Baaqyo dhimasho iyo bayaannada taageeraya qandaraas siin ama qaadista xaalad caafimaad.
    • Dabaaldegga ama ku jeesjeeska dhimasho ama xaalad caafimaad.
    • Sheegashooyinka ku saabsan caabuqa galmada lagu kala qaado.
    • Bayaanada liidnimada ee ku saabsan muuqaalka jirka.
Heerka 2-aad: Ilaalinta dheeraadka ah ee dhammaan Caruurta, Dadka waawayn ee Gaarka ah iyo kuwa sida Baaxada Xaddidan uga Dhex Muuqda Bulshada (tusaale, shakhsiyaad caannimadooda aasaasiga ahi ay ku kooban tahay u ololeeyntooda, suxufinimadooda, ama kuwa caanka ku noqday si aan ikhtiyaariga ahayn):
  • Marka lagu daro ilaalinta caalamiga ah ee qof kasta, dhammaan carruurta (shakhsiyaadka gaarka ah iyo dadka bulshada ka dhex muuqda), dadka waaweyn ee gaarka ah iyo kuwa sida baaxada xaddidan uga dhex muuqda bulshada ayaa laga ilaaliyaa:
    • Sheegashooyinka ku saabsan howsha galmada, marka laga reebo macnaha guud ee eedeymaha dambiyada ka dhanka ah dadka waaweyn (taabashada galmada ee aan raaliga laga ahayn).
    • Nuxur ku cambaareynaya galmo qof kale oo weyn (galmoodka carruurta waxaa lagu koobay xeerka Galmo uga Faa'ideysiga Ilmaha, Xadgudubka iyo Qaawanaanta).
  • Dhammaan caruurta (shakhsiyaadka gaarka ah iyo dadka caanka ah), Dadka waawayn ee gaarka ah iyo kuwa sida baaxada xaddidan uga dhex muuqda bulshada) ayaa laga ilaaliyaa kuwan soo socda, laakiin caruurta caanka ah, waa inay si ula kac ah u wajahaan:
    • Barbardhigyada hoos u dhigaya dadka (qaab qoraal ama muuqaal ah) oo ku socda ama ku saabsan:
      • Xayawaanada iyo cayayaanka, oo ay ku jiraan makhluuqa aadanaha ka hooseeya, kuwaas oo dhaqan ahaan loo arko inay liitaan.
      • Baktiiriyada, fayrasyada, xanuun sidayaasha yaryar, iyo cudurada.
      • Waxyaabaha aan noolayn, oo ay ku jiraan qashinka, wasakhda, saxarada.
  • Nuxurka loo habeeyey si loo iftiimiyo, loo goobaabo, ama haddii kale si taban u soo jiito dareenka sifooyin jireed oo gaar ah (sanka, dhegta, iyo wixii la mid ah).
  • Nuxur u kala saraysiinaya iyaga si ku salaysan muuqaalka jireed ama sifooyinka dabeecadaha.
  • Nuxur hoos u dhigaya shakhsiyaadka lagu qeexay in jir ahaan loogu xoog-sheegto (marka laga reebo dagaalka macnaha guud ee mid-midka ah).
Heerka 3-aad: Ilaalinta dheeraadka ah ee Caruurta Gaarka ah, Dadka Waaweyn ee Gaarka ah, iyo carruurta Sida Aan Ikhtiyaariga Aheyn Caanka u Ah:
  • Marka lagu daro dhammaan ilaalinada kor ku qoran, dhammaan caruurta gaarka ah, dadka waaweyn ee gaarka ah (kuwaas oo ay tahay in ay si iskood ah wax u soo dacweeyaan), iyo caruurta sida aan ikhtiyaariga aheyn caanka u ah ayaa laga ilaaliyaa:
    • Habaarka qof lala beegsado.
    • Sheegashooyinka ku saabsan ku lug lahaanshaha jaceyl, nooca galmada ama aqoonsiga jinsiga.
    • Baaqyada ficilka, bayaanada ulajeedka leh, hamiga ama odhaahyada shuruudeysan, ama odhaahyada u doodaya ama taageera faquuqa.
    • Dabeecada xun ama sheegashooyinka kartida, marka laga reebo macnaha guud ee eedeymaha dambiyada iyo dib u eegista ganacsiga ee ka dhanka ah dadka waaweyn.
    • Faahfaahinada quudhsiga, yaqyaqsiga, ama nuxur diidaya jiritaanka shakhsi, marka laga reebo macnaha guud ee eedeymaha dembi ee ka dhanka ah dadka waaweyn.
  • Marka ay si shakhsiyeed u soo dacweeyaan, caruurta gaarka ah, dadka waaweyn ee gaarka ah, iyo caruurta sida aan ikhtiyaariga aheyn caanka u ah ayaa laga ilaaliyaa kuwa soo socda:
    • Xoog-sheegashada hadalka ee qofka koowaad.
    • Sawirrada aan la rabin ee wax laga beddelay.
    • U barbardhigga shakhsiyaadka kale ee dadweynaha, kuwa khayaaliga ah ama shakhsiyaadka gaarka ah iyadoo ku saleysan muuqaalka jireed.
    • Sheegashooyinka ku saabsan aqoonsiga diinta ama caayda fikradaha diinta.
    • U barbardhigga xayawaanka ama cayayaanka dhaqan ahaan loo arko inay maskax ahaan ama jir ahaan liitaan (“shabeel,’ “libaax”).
    • Sharraxaada jireed ee dhexdhexaadka ah ama togan.
    • Dabeecad aan xumeyn ama sheegashooyinka kartida.
    • Ku weeraridda ereyo sharaf dhac ah oo la xidhiidha dhaqdhaqaaq galmo la'aan ah.
Heerka 4-aad: Ilaalinta dheeraadka ah ee loogu talagalay caruurta gaarka ah oo keliya:
  • Carruurta waxay ka helaan ilaalinta ugu badan gudaha xeerkeena. Marka lagu daro dhammaan ilaalinada kor ku qoran, caruurta gaarka ah ayaa sidoo kale laga ilaaliyaa:
    • Eedeymo ku saabsan fal dambiyeed ama dhaqan sharci darro ah.
    • Muuqaallada ah xoog-sheegashada jireed ee ka dhanka ah carruurta, ee lagu wadaagay macne guud kasta.
    • Bayaanada sharaf dhaca ah ee la xidhiidha habaarka dheddigga.
Xoogsheegshada iyo dhibaataynta lagu gudbiyo bogagga, kooxaha, dhacdooyinka iyo farriimaha
  • Ilaalinta Heerka 1-aad illaa 4-aad ayaa sidoo kale lagu soo rogay bogagga, kooxaha, dhacdooyinka iyo farriimaha.
Xeerarka Bulshada ee soo socda, waxaan u baahannahay macluumaad dheeraad ah iyo/ama macnaha guud si loo dhaqangeliyo:
Ha samayn:
  • Boosti gareyn nuxur bartilmaameedsanaya shakhsiyaad gaar ah iyada oo loo marayo Bogag, Kooxo iyo Dhacdooyin aan la rabin. Waxaan saarnaa nuxurkan marka uu soo dacweeyo qofka la beegsaday ama wakiilka ruqsada heysta ee qofka la beegsaday.
  • Boosti gareyn nuxurka kor lagu qeexay kaas oo haddii kale u baahan in qofka la bartilmaameedsaday uu dacweeyo nuxurka ama halka nuxurka ay caddahay in boosti gareeyaha uu si toos ah u beegsanayo qofka bartilmaameedka (tusaale: qofka la beegsaday oo lagu summaday boosti ama faallo). Waan saari doonnaa nuxurkan haddii aan xaqiijin ka haysanno qofka la beegsaday ama wakiilka idman ee qofka la beegsaday (asagoo nool ama dhintay) in nuxurku yahay mid aan la rabin.
  • Nuxurka boosti ku baaqaya ama sheegaya ujeeddo ah in lagu sameeyo dabeecad hoos tagi doonta cagajuglayn iyo dhibaatayn marka loo eego xeerarkeena. Waan saari doonnaa nuxurkan marka aan xaqiijin ka haysanno qofka la beegsaday ama wakiilka idman ee qofka qofka la beegsaday in nuxurku yahay mid aan la rabin.
  • Boosti gareyn nuxur ku cambaareynaya qof caan ah galmo. Waan saari doonnaa nuxurkan marka aan xaqiijin ka haysanno qofka la beegsaday ama wakiilka idman ee qofka qofka la beegsaday in nuxurku yahay mid aan la rabin.
  • Billow xidhiidh galmo ahaan dhibaateynayo dhibanaha. Waan saari doonnaa nuxur kasta oo loo wadaago macno guud oo aan la rabin marka aan ka haysanno xaqiijin dhibbanaha ama wakiilka idman ee dhibbanaha in nuxurku yahay mid aan la rabin.
  • Saaridda dhibaatayn wadareedka la hagay, marka:
    • Beegsiga, iyada oo loo marayo adeeg kasta, ''shakhsiyaadka khatarta sare ugu jira waxyeellada offleenka'', oo loo qeexay sida:
      • Difaacayaasha xuquuqda aadanaha
      • Caruurta
      • Dhibanayaasha dhacdooyinka rabshadaha/masiibooyinka
      • Shakhsiyaadka mucaaradka ee jooga wadamada halista leh xilliyada doorashada
      • Saraakiisha doorashada
      • Mucaaradka dawladda ee lagu bartilmaameedsaday xaaladdooda mucaaradnimo
      • Qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay ee ku nool aagagga colaadaha
      • Xubin ka tirsan koox khatar ku jirta oo la magacaabay oo la aqoonsan karo
    • Ku beegsiga shakhsi kasta iyada oo loo marayo meelo gaar ah, sida sanduuqa fariimaha ama bogagga aqoonsiga:
      • Nuxur ku xadgudbaya xeerarka xoog-sheegashada iyo dhibaataynta shakhsiyaadka gaarka ah ama,
      • Nuxurka la diidi karo ee ku salaysan sifo la ilaaliyo
  • Koontooyinka la joojiyay ee ku hawlan dhibaataynta baahsan ee qayb ka mid ah midkood
    • Gobolka ama shabakadaha xidhiidhka la leh gobolka ee beegsanaya shakhsi kasta iyada oo loo marayo dusha sare ee kasta.
    • Shabakado iska soo horjeeda oo beegsanaya shakhsi kasta iyaga oo u maraya dusha sare kasta oo leh:
      • Nuxur ku xad-gudbaya xeerarka xoog-sheegashada iyo dhibaataynta shakhsiyaadka gaarka ah ama,
      • Nuxurka iyaga bartilmaameedsada oo ku salaysan sifo la ilaaliyo, ama,
      • Nuxurka ama hab-dhaqanka haddii kale loo arko mid diidmo ah marka la eego macnaha guud ee deegaanka
Adeegsiga isticmaalaha
Arag tusaalooyinka qaar ee ku saabsan sida dhaqangelinta ay ugu muuqato dadka Facebook-ga isticmaala, sida: qaabka ay kuugu muuqato in aad dacwo ka gudbiso wax aad u malaynayso inaysan ahayn inay ka sii mid ahaadaan Facebook-ga, in laguu sheego inaad ku xadgudubtay Xeerarka Bulshadeena iyo inaad aragto digniinta macluumaadka beenta ah oo dul saaranta nuxur gaar ah.
Xusuusin:Had iyo jeer waxaan sameynaa horumar, sidaa darteed waxa aad halkan ku aragto waxaa laga yaabaa in ay waxyar wixii hore ahaayeen marka la barbardhigo waxa aan hadda isticmaalno.
ADEEGSIGA ISTICMAALAHA
Dacweynta
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Ogeysiinta dacweeynta-boostiga
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Khibrada saarista nuxur ama koonto
WAAYO ARAGNIMADA ISTICMAALAHA
Digniinta macluumaadka beenta ah
Xogta
Eeg Warbixinta Dhaqangelinta Xeerarka Bulshada ee ugu dambeeyay
Dhaqangelinta
Waxaanu leennahay xeerar isku mid ah adduunka oo dhan, oo loogu talagalay qofkasta oo isticmaala Facebook-ga.
Kooxaha dib u eegista
Kooxdayada caalamiga ah oo ka badan 15,000 dib-u-eegayaal ah ayaa shaqeeya maalin kasta si ay dadka Facebook-ga isticmaala uga dhigaan kuwo ammaan ah.
Ka qeybgalka saamileyda
Khubarada dibadda, aqoonyahannada, Ururrada aan Faa'ido Doonka ahayn iyo xeer dejiyeyaasha ayaa gacan ka geysta wargelinta Xeerarka Bulshada ee Facebook-ga.
Caawimaad u hel xoogsheegashada iyo dhibaataynta
Baro waxa aad samayn karto haddii aad Facebook-ga ku aragto wax ka soo horjeeda Xeerarkeena Bulshada.
Booqo Xaruntayada Caawinta