Ujeeddada Xeerka
Waxaan xaddidnaa muujinta qaawanaanta ama howlaha galmada sababtoo ah dadka qaar ee bulshadeena ayaa laga yaabaa inay xasaasi ku yihiin waxyaabaha noocaan ah, gaar ahaan sababo la xidhiidha asalka dhaqankooda ama da'dooda.
Waxaan fahamsannahay in qaawanaanta loo wadaagi karo sababo kala duwan, oo ay ku jiraan qaab mudaaharaad ah, si loo sameeyo wacyigalinta ku saabsan sabab ama sababo waxbarasho ama caafimaad. Halka ay ku habboontahay iyo iyadoo ujeeddada noocan ah ay caddahay, waxa aanu oggolaansho u samaynaa nuxurka. Tusaale ahaan, iyadoo aan xaddidno sawirrada qaarkood ee naasaha dheddigga ah oo ay ku jiraan ibta naaska, waxaan oggolaanaa sawirro kale, oo ay ku jiraan kuwa muujinaya falalka mudaaharaadyada, haweenka sida firfircoon ugu hawlan naas-nuujinta iyo sawirrada nabarrada qalliinka saarista naasaha kadib(mararka qaar lagu calaamadiyo shaashad digniin oo xasaasi ah iyo xaddidaado ku salaysan da'da). Waxaan sidoo kale oggolaanaa farshaxanka adduunka dhabta ah ee muujiya qaawanaanta sida sawirrada rinjiyeynta, farshaxannada, iwm (mararka qaar lagu calaamadiyo shaashad digniin oo xasaasi ah iyo xaddidaado da'da ku salaysan). Waxaan caadiyan saaraynaa sawirrada galmada si aan uga hortagno wadaagista nuxurka aan oggolaansho haysan ama aan qaan-gaarka aheyn.
Iyadoo la eegayo xeerkan, waxaanu saarnaa sawirada iyo muuqaalada dhabta ah ee qaawan iyo howsha galmada, Sawirada AI-ga ama kombiyuutarka soo saareem ee qaawan iyo howsha galmo, iyo sawirada dijitaalka ah, iyada oo aan loo eegin haddii ay u egtahay ''sawir dhab ah'' (sida, inuu u egyahay qof dhab ah). Sida kor lagu xusay, waxaanu sidoo kale u samaynaa oggolaansho taxaddar leh oo loogu talagalay farshaxanka adduunka dhabta ah iyo qaar ka mid ah nuxurka caafimaadka, waxbarashada, iyo wacyigelinta, kuwaasna waxaa lagu faahfaahiyay xeerka.
Uma oggolaano nuxurka soo socda dhammaan isticmaalayaasha:
Qaawanaanta Dadka Waaweyn
Sawir dhab ah/dhijitaal ah oo ah dad waaweyn oo qaawan, haddii uu muujinayo:
Xubinta taranka oo muuqata (oo ay ku jirto marka ay qarinayso timaha guumeerka ama dulsaarada dhijitaalka ah)
Dabooyinka muuqda iyo/ama sawirro baryaha ah oo qaawan
Ibaha naasaha dheddigga oo muuqdo, marka laga reebo xaaladda naasnuujinta, ama fal mudaharaad
Sawirro dhab ah/ muuqaallo dhijitaal ah oo diirada saara barta bowdyaha ku dhammaadaan, naasaha dumarka, ama badhyaha ee la duubay iyada oo aanu ogayn qofka (dadka) lagu muujiyay
Xusuusnow iyada oo xoogaa xaddidaado ah jiraan, waxaan ugu oggolaan karnaa muujinta qaawanaanta dadka waawayn xaalado gaar ah oo dheeri ah, sida xaaladaha daawaynta ama caafimaadka. Tani waxaa looga hadlay si faahfaahin qaybaha hoose.
Hawlaha Galmada Dadka Waawayn
Sawir dhab ah/ dhijitaal ah ee hawlaha galmada dadka waaweyn, oo ay ku jiraan:
Hawlaha galmada oo cad ama kicin:
Galmo cad ama galmada afka ah, oo lagu qeexo inay tahay afka ama xubinta taranka oo galaysa ama taabanaysa xubinta taranka ama dabada ee qof kale, ama xubinaha taranka oo la dul saaro ama la geliyo qalabyada galmada marka ugu yaraan hal qof xubintiisa taranka ama dabadiisa ay muuqato
Kicinta cad ee xubinta taranka ama dabada, oo lagu qeexay kicinta xubinta taranka ama dabada ama gelinta walxo, oo ay ku jiraan qalabka galmada, oo la geliyo xubinta taranka ama dabada, halkaasoo taabashada xubinta taranka ama dabada ay si toos ah u muuqato
Howl galmo oo aan toos ahayn ama kicin:
Galmada aan tooska ahayn ama galmada afka ah, sida ku cad qofka afkiisa ama xubinta taranka oo galaysa ama xidhiidh la leh xubnaha taranka ama dabada qof kale, marka xubnaha taranka iyo/ama gelitaanka ama xidhiidhka aan si toos ah loo arkin
Kicinta cad ee xubinta taranka ama dabada ee qof, oo lagu qeexay kicinta xubinta taranka, ama dhigista alaabta galmada dhanka kore ama gelinta alaabta galmada xubinta taranka ama dabada qofka, ama xubnaha taranka oo la dul saaro ama la geliyo qalabyada galmada marka xubinta taranka ama dabada, kicinta, joogitaanka, iyo/ama gelinta aysan si toos ah u muuqan
Howlaha galmada soo socda, sida lagu muujiyey boosaska kuwaas oo soo jeedinaya in xidhiidh ka dhex billaabmi doono inta u dhaxeysa gacanta, afka ama xubnaha taranka ee qof iyo xubnaha taranka ama dabada qof kale.
Hawlaha kale ee galmada ama kicin:
Kacsiyada
Jiritaanka waxyaabaha ka dhasha dhaqdhaqaaqa galmada.
Alaabta galmada oo la dul dhigo ama afka la geliyo
Kicinta ibaha naasaha aadanaha oo muuqda
Tuujinta naasaha dhedigga, oo lagu qeexo dhaqdhaqaaq qabashada ee faraha oo la soo godo taas oo muujinaysa labada calaamadood iyo qaabka beddelka muuqda ee naasaha. Waxaan oggolnahay tuujinta marka la eego xaaladaha guud ee naasnuujinta.
Sawir dhab ah/ dhijitaal ah ama farshaxan adduunka dhabta ah ee muujinaya dareen galmo u qaadid shay gaar ah kaas oo ku leg leh kuwan soo socda:
Falalka ay u badantahay inay horseedaan dhimashada qof ama xoolo
Jarjaridda jidhka bini'aadamka
Dad qalatinimada
Saxarada, kaadida, candhuufta, duufka, caadada ama matagga
Galmada dhax marta xoolaha iyo dadka
Isu galmoodka dadka qaraabada ah
BDSM (jidh ahaan u xirxirid qof galmo iyo adaab darteed, ku yeelashada awood saamayn qof iyo is-dhiibid, wax u yeelleynta qof raaxo ka helid darteed iyo raaxeysi ku xidhan dhibaatayn), kaliya marka tilmaamayaasha galmada ay sidoo kale muuqdaan
Sawir dhab ah iyo hawlaha galmada oo cad ama kicin oo ah xaalad daaweyn ama caafimaad
Maqal la dheereeyay oo galmo ah
Xusuusnow in iyada oo xoogaa xaddidaado ah jiraan, waxaan oggolaan karnaa muujinta howl galmo xaalado gaar ah, sida xaaladaha dawaynta ama caafimaadka. Tani waxaa looga hadlay si faahfaahin qaybaha hoose.
Nuxurka soo socda, waxaan ku xaddidnaa awoodda ay ku eegayaan nuxurka isticmaaleyaasha, jiro 18 iyo ka weyn oo waxaa ku jiro calaamad si dadku u ogaadaan in nuxurku yahay mid xasaasi ah:
Sawir dhijitaal ah iyo farshaxan aduunka dhabta ah oo ah howl galmo oo aan toos ahayn ama kicin, oo ah xaalad daaweyn ama caafimaad
Sawir dhab ah/ dhijitaal ah iyo farshaxan aduunka dhabta ah oo oo aan toos ahayn ama howl kale oo galmo ama kicin, oo ah xaalad daaweyn ama caafimaad
Sawir dhab ah/ dhijitaal ah iyo farshaxan adduunka dhabta ah oo ah xubinta taranka oo muuqata, dabada oo muuqato, sawirro baryaha ah oo muuqdo ama ibaha naasaha dhediga oo muuqdo ee macnaha guud ee qalliinka xaqiijinta jinsiga
Farshaxanka adduunka dhabta ah ee xubinta taranka muuqato (oo ay ku jiraan xubinta taranka ee ay daboolayso dulsaar dhijitaal ah ama qarinta iyo xubinta taranka oo uu qarinayo timaha guumeerka keliya), babooyinka muuqda, sawirro baryaha ah oo muuqdo ama ibaha naasaha dheddigga oo muuqdo, halkaas oo qaawanaantu ay tahay diiradda sawirka oo aysan ahayn xaalad daawayn ama caafimaad
Sawir dhab ah/ dhijitaal ah oo ah xubinta taranka oo qaawan (oo ay ku jiraan xubinta taranka oo ay daboolayso dulsaar dhijitaal ah ama qarin iyo xubinta taranka oo ay qarinayso timaha gumeerka), sawirro baryaha ah oo muuqdo, dabada oo qaawan ama ibaha naasaha oo muuqdo, markii loo wadaago xaalada la xidhiidha abaarta, xasuuqa, dambiyada dagaalka, ama dambiyada ka dhanka ah aadanaha
Nuxurka soo socdo, waxaan xaddidnaa awoodda ay ku daawadaan nuxurka dadka waaweyn, ee jira 18 iyo ka weyn:
Sawir dhab ah/dhijitaal ah oo muujinaya qaawanaanta dhow sida qaawanaanta oo lagu daboolay keliya dulsaar dhijitaal ah ama walax aan wax laga dhax arkaynin iyo qaawanaan xaaladaha qaar ah oo ay qarinayso dharka wax laga dhax arko
Sawir dhab ah/dhijitaal ah ee qof taasi oo muujinaysa halka bowdyada ku dhamaato, barida ama naaska(naasaha) dheddiga oo ay yihiin diirada guud ee sawirka
Sawir dhab ah/dijitaal ah iyo farshaxan adduunka dhabta ah oo cad, aan toos ahayn ama howlo kale oo galmo ama kicin marka kaliya qaababka jirka ama muuqaalka kore ay muuqdaan
Farshaxanka adduunka dhabta ah, halkaas oo
Sawirku uu muujinayo howl galmo toos ah, cad ama howl galmo kale ama kicin marka laga reebo marka loo boosti gareeyo xaalad daawayn ama caafimaad
Sawir muujiyo galmada qof ee xoolaha, haddii si dhexdhexaad ah loo wadaago ama la cambaareeyo oo dadka ama xoolaha lagu muujiyay aysan ahayn kuwo run ah.
Sawir dhab u eg khiyaali ah oo la aqoonsaday oo muujinaya maldahnaan ama howl galmo kale ama kicin
Sawir dhab ah/dhijitaal ah iyo farshaxan adduunka dhabta ah oo muujinaya:
Howlaha galmada la xidhiidho sida dhuunkashada uu carabka muuqdo iyo qoob ka ciyaarka galmada ama dareenka kiciya
Shakhsiyaadka kicinaya howlaha galmada
Dhaqdhaqaaqyo tilmaamaya xubinta taranka, siigaysashada, galmada afka ah, ama galmada
Astaamaha, sawirrada shaashada laga qaado ama codadka muuqaalka ee mareegaha matala galmada ee la aqaano
Nuxur ay ku jiraan maqal howl galmo ah
Nuxurkan soo socda, waxaan ku darnay summad si ay dadku u ogaadaan in nuxurku laga yaabo inuu yahay mid xasaasi ah:
Sawir dhab ah/dhijitaal ah iyo farshaxan adduunka dhabta ah oo muujinaya:
Xubinta taranka oo qaawan (oo ay ku jiraan xubinta taranka oo ay dabolayso dulsaar dhijitaal ah ama qarin iyo xubinta taranka oo ay qarinayso timaha guumeerka), sawirro baryaha oo qaawan ah, ama dabada oo qaawan, marka loo wadaago xaalad dawayn ama caafimaad. Tan waxaa ka mid noqon kara, tusaale:
Wakhtiyada dhalmada iyo dhalmada ka dib
Iska baarida kansarka ama cudarrada kale
Ibaha naasaha dheddigga oo muuqda, marka loo wadaago xaalad daawayn ama caafimaad (oo ay ku jirto qalliinka saarista naasaha ama shaabadaha ka badbaadayaasha kansarka)
Xeerarka Bulshada ee soo socda, waxaan u baahannahay macluumaad dheeraad ah iyo/ama macnaha guud si loo dhaqangeliyo:
Xaaladaha qaarkood, waxaanu oggolaan doonnaa nuxurka loogu talagalay da'aha 18 iyo ka wayn in loon yeelo calaamad kaas oo laga yaabo in uu ku xad-gudbo Xeerarka Bulshada marka la go'aamiyo in nuxurku yahay jeesjees. Nuxurka waxaa kaliya ee la oggolaan doonaa haddii walxaha ku xad-gudubka ee nuxurka ku jira la buunbuuniyay ama loo nisbaynayo shay ama qof kale si loogu canjilo ama loo dhaleeceeyo iyaga.