Ka Meta ahaan, waxaa naga go'an inaan siino dadka cod iyo inaan ilaalino badqabkooda.
Tani micnaheedu waa inaan ka saarno nuxurka waxyeelada leh ee ka hor imaanaya xeerarkeena, oo aan yareyno qaybinta nuxurka dhibaatada ah ee aan ku xadgudbaynin xeerarkeena, iyo inaan ogeysiino dadka macnaha guud ee dheeriga ah si ay u go’aansadaan waxa la gujinayo, la akhrinayo, ama la wadaagayo.
Si aan u cawinno xeeladdan, waxaan leenahay xeerarka qeexaya waxa laga oggolayahy iyo waxa aan laga oggolayn tignoolajiyadaheena. Kooxaheenu waxay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii ay u hormarin lahaayeen xeerarkeena oo ay u dhaqangelin lahaayeen iyaga. Waa tan sida ay u shaqaynayso.
1
Waxaan la shaqaynaa khubaro caalami ah oo ku takhasusay tignoolajiyada, badqabka dadweynaha iyo xuquuqul insaanka si aan u abuurno una cusbooneysiino xeerarkeena.
2.
Waxaan dhisnaa sifooyinka badbaadada, si ay dadka u soo dacweeyaan nuxurka oo ay u xannibaan, u qariyaan oo ay ugala laabtaan la socoshada koontooyinka.
3
Waxaan dhaqangelinaa xeerarkeena annaga oo adeegsanayna tignoolajiyada iyo dib u eegista aadanaha.
Waxaan ilaalinaa badqabka dadka waxaana u oggolaanaa dadka inay nala xisaabtamaan anagoo la wadaagayna xeerarkeena, warbixinnadeena hufnaanta iyo dhaqagelinta.
Xeerarkeena
Xeerarkeena waxay qeexaan waxa la oggolyahay iyo waxa aan laga ogolayn tignoolajiyadaha Meta. Haddii nuxurku ka horyimaado xeerarkeena, waxaan ka qaadeynaa tallaabo.
Dhaqangelinteena
Waxaan adeegsanaa tignoolajiyada iyo kooxaha dib u eegista si aan u oggaano, dib ugu eegno oo aan tallaabo uga qaadno malaayiin nuxuro ah maalin kasta oo ku jira Facebook-ga iyo Instagram-ka.
Warbixinnadeena hufnaanta
Waxaan daabacnaa warbixinno hufnaan oo joogto ah si aan dadka u tusno sida aan u samaynayno dhaqangelinta xeerarkeena.
Habkeena aan ku sharraxayno kala sarreysiinta
Nidaamyada caqliga macmalka ah (AI) waxay soo wargeliyaab kala sarreynta nuxurka adeegsiyada badan ee badeecooyinka Meta, sida daawashada Akhbaaraha Facebook-ga, daawadashada muuqaalada gaaban ee Instagaram-ka ama daalacashada Goobta suuqa ee Facebook-ga.
Cusbooneysiinta ugu dambeysay